Red X iconGreen tick iconYellow tick icon

Recruitment for phase one of the March 15 Project has now closed.

Mashruucaan wuxuu naga caawinaayaa inaan fahamno sida ay weeraradii argagixiso u saameeyeen Muslimiinta kunool Christchurch.

Waxaan rabnaa inaan fiirino saamaynta ay weeraradii Masaajidyada ku yeesheen dadkii sida tooska wax u soo gaareen xitaa hadii ay dareensanyihiin inay ka soo kabsadeen.

Dadkaas waxaa ka mid ah:

  • Dadkii joogay ama u dhawaa labadaas Masaajid iyo qoysaskooda
  • Qoysaska shuhadada iyo dadkii dhaawacmay
  • Bulshada Muslimiinta Christchurch ee waqtigii uu weerarka dhacay joogay Christchurch ama kuwii yimid isla markii uu weerarka dhacay hadana Cantebury wili ku nool

Haddii ay soo baxaan arima u baahan daryeel dheeraad ah, meeshii loo sii gudbin karo ayaan kawada hadlaynaa.

Waxaan rajayneeynaa in ay tani tahay marxalada koowaad ee mashruuc sii socondoono mudo ee lagu eegayo sida dadka ay uga soo kabsanayaan. Wareysiyada marxalada koowaad waxa ay sii socon doonaan ilaa dhamaadka sanadka 2021.

Muuqaalka sare iyo xiisaha loo haayo mashruucaan ayaa gacan ka geysan doono in la muujiyo dhibaatooyinka bulshada Muslimiinta wajihi karaan iyo in lasoo bandhigo jawaabaha wanaagsan ee lagu amaanay bulshada Muslimiinta deegaanka iyo New Zealand.

Casharada mashruucaan uuga soo baxa kooxda cilmi baarista waxay gacan ka siindoonan u dhisida adeegya caafimaad ee ku haboon qolo (dhaqan) walba.

Waxaan rajeeyneeynaa ineey natiijada mashruucaan loo isticmaalo sidii loo daryeelilahaa bulshada New Zealand iyo kuwa dibada hadeey soo wajahaan dhacdooyinkaan oo kale.

Mashruuca muxuu ku saabsanyahay
Sida aad uuga qeyb qaadankartid
Kooxda cilmi barista
Nala soo xiriir

Back to top