Red X iconGreen tick iconYellow tick icon

Recruitment for phase one of the March 15 Project has now closed.

Yaa ka qeyb qaadan kara mashruucan?

Gaar ahaan, waxaan jeclaan lahayn inaan baarno saameynta ay weeraradii Masaajidyada ay ku yeesheen dadkii sida tooska loo saameeyay, xitaa hadii ay dareensanyihiin inay kasoo kabsadeen.

Dadkaas waxaa ka mid ah:

  • Dadkii joogay ama u dhawaa labadaas Masaajid iyo qoysaskooda
  • Qoysaska shuhadada iyo dadkii dhaawacmay
  • Bulshada Muslimiinta Christchurch ee waqtigii uu weerarka dhacay joogay Christchurch ama kuwii yimid isla markii uu weerarka dhacay hadana Cantebury wili ku nool

Maxay ahaan doontaa ka qeyb qaadashada?

Haddii aad go'aansatid inaad ka qeybqaadatid mashruucaan, waxaad wareysi la yeelaneysaa mid ka mid ah kooxdeena cilmi baarista mid Muslim ah (ama hadi aad rabtid mid aan Muslim ahayn) iyo kalkaaliso ku taqasustay cilmi baarista. Wareysiga wuxuu qaadanayaa qiyaastii 2 saac. Wareeysigana luqada aad rabtid ayaan kaaga qaadi doonaa.

Wareysiga waxuu ka koobnaan doonaa su'aalo eey kuwareeysan doonto kalkaaliso ku taqasustay cilmi baarista iyo su'aalo sadex qeeybood oo onleyn ah oo ku saabsan caafimaadkaaga maskaxda iyo ka jirka, wixii taageeero ah aad leedahay, kunagaashada diintaada iyo su'aalo guud oo ku saabsan adiga iyo qoyskaada.

Wareysiyada waxaa lagu sameeydoonaa fool ka fool ama Zoom telehealth (wareeysi maqal iyo muuqaalba leh ee onleyn ah). Waxaan adeegsanaa Zoom, kasoo leh astaama dhameystiran oo ilaaliya amnigaada/sirtaada. Mana duubeeyno wareeysiyada na dhex mara.

Miyay jireysaa waqtiga loo huray ka qeeyb qaadashada daraasadaan wax badalkeeda ah?

Mahadcelin ahaan dadka ka qeeybqaatay daraasada waxay helayaan $50 foojar ah.

Ka waran jaanis la'aanta iyo xifdinimada?

Dhammaan warbixinta la sheego waxaa loola dhaaqmayaa kalsoonida ugu dambeysa (waa la xifdinayaa). Waan aqoonsannahay in xifdinta aad muhiim u tahay waana hubineynaa arinkaas. Kooxda cilmi baarista waxay dhammaantood heleen tababarka xifdinta oo waxay saxiixeen/ku dhaarteen inaysan kala hadleyn wax warbixin ah oo adiga kuugu saabsan qof kale oo ka baxsan kooxda cilmi baarista.

Warbixinta cilmi baarista waxaa lagu haynayaa si illaalsan kumbuyuutarka oo Waaxda Daawada Cilmi nafsiga, Jaamacada Otago, qeebteeda Christchurch ilaa 10 sanno. Kaliya shaqaalaha sida tooska ah ugu lugleh daraasada ayaa geli karo warbixintaan.

Dhammaan warbixinta la sheego waa la xifdinayaa sida ku saleysan daraasadaan. Dhammaan wargelinada waa la isku celcelinayaa si qarsoodi ah si markaas shaqsiyaadka aanan loo aqoonsan.

Ka qeybqaadashada ma iqtiyaarbaa?

Haa.

Ka qeybqaadashada gabi ahaanba waa iqtiyaar. Qof walba oo ka qeybqaadanayo uma baahno inuu ka jawaabo su'aalo aysan ku faraxsaneyn. Way fiirin karaan oo badeli karaan jawaabahooda oo way ka laaban karaan daraasada xili walba iyaga oo aan sheegin sabab.

Waa maxay faa'idooyinka suurtagalka ah ee ka imaan kara ka qeybqaadashada mashruucaan?

Muhiimada uugu weyn ee mashruucaan waa inaan helno faham weyn oo ku saabsan saameynta eey ku yeelatay weeraradii argagixiso ee 15kii Maarso dadkii sida tooska ah u taabatay, xittaa haddii ay dadkii dareensanyihiin inay si wanaagsan uuga soo kabsadeen.

Wareeysiga kadib haddii ay soo baxaan arima u baahan daryeel dheeraad ah, meeshii loo sii gudbin karo ayaan kawada hadlaynaa. Tani waxay noqon kartaa daryeel kusaleysan bulshada dhexdeeda, ka caawinta arrimaha wax ku oolka ah, in la isticmaalo dhaqtarkaaga guud (GP) ama kuwa ku takhasusay caafimaadka dhinacyadiisa kaladuwan.

Casharada mashruucaan uuga soo baxa kooxda cilmi baarista waxay gacan ka siindoonaan u dhisida adeegyo caafimaad ee ku haboon qolo (dhaqan) walba. Muuqaalka sare iyo xiisaha mashruucaan uu heeysto ayaa gacan ka geysan doono in la muujiyo dhibaatooyinka bulshada Muslimiinta wajihi karaan iyo in lasoo bandhigo jawaabaha wanaagsan ee lagu amaanay bulshada Muslimiinta deegaanka iyo New Zealand. Waxaa kale aan rajeeyneeynaa ineey natiijada mashruucaan loo isticmaalo sidii loo daryeelilahaa hadeey soo wajahaan dhacdooyin kuwan la mid ah bulshada New Zealand iyo kuwa dibada.

Yaa maareynayo daraasada?

Daraasadaan waxaa sameynayo Borofeesar La xiriiro Caroline Bell, Dhaqtar Ruqayya Sulaiman-Hill, Borofeesar Richard Porter, Borofeesar La xiriiro Joseph Boden, Dhaqtar Ben Beaglehole iyo Dhaqtar Shaystah Dean ee Waaxda Daawada Cilmi nafsiga, Jaamacada Otago, Christchurch iyo Borofeesar Philp Schluter, Iskoolka Caafimaadka Sayniska, Jaamacada Canterbury.

Daraasada waxay heeysataa ansixinta anshaxa Gollaha Anshaxa Caafimaadka iyo Curyaannimada (tixraaca Anshaxa: 19/NTA/147.)

Yaa maalgeeliya daraasada?

Waxaa lagu maalgeliyay deeqda ka imaaneyso Gollaha Cilmi baarista Caafimaadka ee New Zealand.

Mashruuca asgoo faafaahsan

Fadlan eeg xaanshida warbixinta oo sharaxeysa daraasada oo buuxda (PDF)

Jazakumu Allahu Khayr, Wa Asalaamu Calaykum

Back to top